WAR-CULUS: Jawaari oo beeshiisa ku taageeray qorshaha ay waddo

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa maalintii labaad ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Jawaari oo ay la socdaan in ka badan 60-xildhibaann, wasiiro iyo siyaasiyiin ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee shaley ay gaareen.

Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka, waxa ay durba la kulmeen odayaasha iyo wax-garadka ku dhaqan magaalada, waxaana ujeedadooda ay ku sheegeen ka jawaabida baaqa odayaasha Digil iyo Mirifle.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka oo la hadlay odayaasha Baydhabo wuxuu sheegay in wixii ay rabaan Odayaasha Digil iyo Mirifle loo sameen doono.

Wuxuu sheegay in maamulka ay doonayaan odayaasha in la sameen doono cid laga heebeysanaayo ama looga cabsanaayo in uusan jiri doonin balse wuxuu yiri waa inuusan noqom mid laab lakac ah.

“Waxaan halkan u nimid ka jawaabida baaqiina, waxaan idiin ballan qaadayaa in wixii aad rabtaan la idiin sameen doono, laakin ogaada annaga waxaan rabnaa siddii loo sameen lahaa qorshe lagu soo celinaayo qaranimadii ee lawaayay” ayuu yiri.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay 7-Xildhibaan kuwaasoo ka dhawaanahan ku maqnaa gobalka Gedo, waxa ay sheegeen in dadka ku dhaqan gobalka Gedo ay u baahan yihiin maamul loo dhiso.

Si kastaba, wafdiga uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha baarlamaanka ayaa kulamo iyo wadatashiyo la yeelan doona odayaasha iyo wax-garadka ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com