Puntland: DF ayaa ka dambeysay inay EU-da bah-disho C/raxmaan Faroole

Brussels (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland, ayaa dowladda federaalka ah ee Somalia ku eedeeyey inay mas’uul ka ahayd in khudbad Faroole uu ka jeediyey shirii New Deal aan marnaba la baahin, taasi oo ula muuqatay bah-dilaad.

Saraakiil ka tirsan maamulkaasi ayaa sheegay in dowladda Somalia ay ka codsatay Midowga Yurub in la damiyo dhammaan kaamirooyinkii duubayey munaasabadda, markii la gaaray khudbadda Faroole.

“Shirka waxaa hogaaminayey madaxweynaha Somalia iyo Midowga Yurub, isagaana amray inaan la baahin khudbaddii madaxweyne Faroole”, waxaa sidaas lagu yiri hadal qoraal ah oo lasoo dhigay website-ka dowladda Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in CD-yo loo qeybiyey ka qeyb galayaashii shirka, markii uu dhammaaday kadib, aan sidoo kale lagu soo darin khudbadda Faroole, taasi oo sidoo kale ay ka dambeyso Dowladda.

Wiil uu dhalay Faroole ayaa khudbadda aabihiis kaga duubay taleefoonka gacanta, sida aadka arki kartaan hoos, waxaana ay soo baxday markii lagu kala tagay shirka kadib.

Si kastaba xubno ka tirsan waftiga Dowladda ee ka qeyb galay shirka ayaa sheegay inaanay waxba ka ogeyn xanibaadda lagu sameeyey khudbaddii Faroole, taasina ay mas’uul ka yihiin Midowga Yurub.

“Innaga maba ogeyn in Faroole uu khudbad ku lahaa shirka, waayo ajnedahaba kuma jirin, mana naqaan xilli lagu soo daray, waxaanaba ka war helnay isaga oo hadlaya” ayey tiri DF Somalia.

Ajendaha shirka oo Caasimada Online ay ahayd warbaahintii ugu horeysay ee heshay ka hor inta aanu shirka dhicin, waxaad ka arki kartaan halkan Ajendaha shirka New Deal

Prof. Axmed Cabiraxmaan, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo jooga London, ayaa Caasimada Online ay wax ka weydiisay waxa lagu macneyn karo xanibadda EU-da ay saareen Faroole iyo khudbaddiisa.

“Aniga waxa ay iila muuqataa EU-du waxa laba shimbir ku dileen hal dhagax” ayuu yiri.

“Waxay doonayeen inay qanciyaan Faroole, oo sida aan maqlay codsaday khudbad, maadaama uu ajendaha ku jirin, sidoo kalena ma aysan dooneyn in caalamku arko rag sheeganaya madaxweyne oo ka dhinac hadlaya madaxweynaha Somalia, sidaa darteed kaamirooyinkii ayey ka damiyeen, waana wax u muuqda nasiib xumo oo sharaf dhac, waxaa Faroole loo qaatay in wax kasta oo uu qabo uu qoraal ku gudbiyo” ayuu sii raaciyey.

Khudbaddii Faroole

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com