DHAGEYSO: Beesha Habar-Gidir oo jawaab kulul siisay Cali Max’ed Geedi

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Habar-Gidir, ayaa si kulul uga jawaabtay hadal dhowaan kasoo yeeray Cali Maxamed Geedi, oo ka mid ah hogaamiyayaasha kooxda qas-wadayaasha Nairobi, ee lacagta badan ku qaatay bur-burinta dowladda Somalia oo ka dhan ahaa beeshaas.

Suldaan Mahdi Suldaan C/risaaq Colow, oo ka mid ah salaadiinta Geedi, ayaa wareysi uu siiyey idaacadda SKY FM ee Muqdisho, wax laga xumaado iyo gef ka dhan ah beesha ku tilmaamay hadalkii Geedi.

Geedi, ayaa dhowaan sheegay in Beesha Habar-Gidir ay dhib umadda Somalia ay qabtay ay ka qabatay, kadib markii ay soo qabteen Xasan Daahir Aweys una gacan geliyeen dowladda Somalia.

“Waxaan maqlaayay habeen dhexdaasa Cali Maxamed Geedi oo leh, Odayaasha Habargidiraa Xasan soo xiray, dhibaatadiisee dadka ka soo xirayn. Waxa noocaasoo Kheyrul Masuulnimada in lagu hadlo hadlo maaha. Xasan Daahir nin odaya, oo Madaxa, oo Siyaasiya oo Wadaaduu ahaa.” ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan C/risaaq Colow.

“Dhulkiisuu joogay, anaga ma’aanu doonin, asagu nooma soo cid dirsan. Dowladaa noo dirtoo tiri keena, si sharaf leh iyo wanaagaa ku keenay. Waxaanu islaheyn Soomaaliya halooga faa’iideysto dib u hesiisiintii iyo wada hadaladii. Marka in arrintii caksi lo-bedelow, xumaan loo bedelow, colaad loo bedelow, dad dhan taariikhdoodii la baaba’iyo. Ummad dhan in sumcadoodii, mustaqbalkoodii, taariikhdoodii, jiritaankoodii lagu ciyaaro. Hadana weli la’iskula quman yahay, adeeroow wax dhici kara maaha, wax la dhageysan karana maaha.”

Mar la weydiiyay eedeynta ka soo yeertay Raa’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, ayuu ku sheegay wax iska daacayad ah.

“Waa iska dacaayad raqiisiyo, Soomaaliya waxaa weeyaan Cali Maxamed Geedi, dhibaataduu Soomaaliya u geystay, waa ninkii Amxaaro dalkaan keenay. Ku baaba’iyay shacabkii Muqdisho. Kumanaan iyo boqolaal ku dilay weeye Cali Maxamed Geedi. Markaasuu rabaa intuu qof kale naagoowdow wax ka sheego. War waxaan la xisaabtaminee dadkii dadkaan laayay Magaaladee jooggaan, waa sharfan yihiin. Hoteeladee jooggaan, dibadahee jooggaan, meel kastee maraan.? ayuu yiri.

“Runaa leesku sheegin mooyee, Soomaaliya hogaamiye kooxeedyadii iyo nimankii Siyaasada ku laayay kuligood waa jooggaan. Maxaa kan gaar ahow dambiyow uu dhimay Wadaadkaan. Waa wax lagu gardaroonaayo u jeeddo.” ayuu yiri Suldaan Mahdi.

Hadalka ka soo yeeray Cali Maxamed Geedi, ayaa wuxuu ku macneeyay mid ka baxsan Cadaalada iyo dadnimada, iyadoo la rabo sida uu sheegay in dib dagaalka loogu soo celiyo, dad iska ilaaway.

“Waan Cadaalada la fiirineynin, Waan dadnimada la fiirineynin. Colaad dadeed ayaa la rabaa, oo la rabaa in la faag faago. Dad ka siibtay colaadoow iska dhaafaa la rabaa, dib in colaada loo geliyo.” ayuu sii raaciyay Suldaanka.

Halkan ka dhageyso Suldaan Mahdi

Isha Warka: Dhacdo.com