Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Soomaaliya markii ugu horreysay laga furo Xafiiska Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (OHCHR).
Dowladda Soomaaliya oo ay metelayso Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo Xafiiska Wakiilka Sare ee QM ee Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku kala saxiixday heshiis lagu hirgelinayo qaraarkii Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM.
Qaraarkaas oo lambarkiisu ahaa A/HRC/RES/60/28 ayaa ku suntanaa la soo wareegidda maareynta madaxa-bannaan ee xuquuqda aadanaha Soomaaliya, kaas oo tilmaamayay iskaashiga iyo taageerada farsamo ee ay u baahan tahay Soomaaliya si ay u horumariso xuquuqda aadanaha, isla markaana u maareyso waajibaadkeeda qaran iyo midka caalamiga ah.
Tani waxa ay ka dhigan tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya markale fagaarayaasha caalamka ka soo hoysay guul muhiim ah, iyadoo dowladdu ay dadaal xooggan u gashay in markii ugu horreysay taariikhda ay QM Soomaaliya ka furato Xafiiska Sare ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR), kaas oo dhowaan laga furi doono magaalada Muqdisho.
“Tan ayaa noqonaysa in markii ugu horreysay taariikhda QM ay u fuliso heshiis noociisa ah muddo, taas oo ku timid dadaalka iyo ka go’naanshaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda.
Soomaaliya waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Amb. Khadiija Al-Makhzoumi, iyadoo dhanka QM uu u saxiixay Volker Türk, Madaxa Xafiiska Sare ee QM ee Xuquuqda Aadanaha. Heshiiskan ayaa ah mid Soomaaliya muhiimad gaar ah u leh, maadaama dalkeennu uu ku jiro marxalad soo kabasho ah.
Magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaa ku sugan wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, kaas oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, la-taliyeyaal iyo khubaro ka tirsan wasaaradda.
Si kastaba, guushan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ku bixisay sanad iyo barkii la soo dhaafay horumarinta xuquuqda aadanaha iyo maareynteeda, iyadoo ka sokow guushii weynayd ee October ay Soomaaliya ka gaartay shirkii xuquuqda aadanaha QM ee Geneva iyo dhismihii Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka ay tani tahay guul kale oo ballaaran.








