Washington (Caasimada Online) — Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu si ku-meelgaar ah u hakiyay howlgal militari oo Mareykanku ku galbinayay maraakiibta maraysa Marinka Hormuz, hal maalin kadib markii uu bilowday, xilli Washington ay sheegtay in horumar laga sameeyay dadaallo lagu doonayo heshiis lagu soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.
Howlgalka, oo Aqalka Cad ugu yeeray “Project Freedom”, ayaa Isniintii loo bilaabay in lagu caawiyo maraakiibta ku sugan Marinka Hormuz, oo ah marin istiraatiiji ah oo isku xira Gacanka Carbeed iyo Badweynta Hindiya, isla markaana muhiim u ah isu socodka ganacsiga shidaalka adduunka.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku sheegay in howlgalka la hakiyay kadib codsi ka yimid Pakistan iyo dalal kale oo dhexdhexaadin wada. Wuxuu sheegay in “horumar weyn” laga sameeyay dadaallada lagu doonayo “heshiis dhameystiran oo kama dambeys ah” oo lala gaaro Tehran.
“Waxaan si wadajir ah ugu heshiinnay in, iyadoo xayiraaddu si buuxda u sii jiri doonto, Project Freedom… la hakiyo muddo kooban si loo arko in heshiiska la dhameystiri karo lana saxiixi karo,” ayuu yiri Trump.
Go’aanka Trump ayaa yimid kadib markii Iran ay howlgalka galbinta uga jawaabtay weeraro culus, oo qaarkood lala beegsaday maraakiib, qaar kalena si xooggan loogu garaacay dalka Imaaraadka Carabta oo xulufo la ah Israa’iil iyo Mareykanka.
Xayiraadda oo sii socota
Inkasta oo Mareykanku hakiyay howlgalka lagu galbinayay maraakiibta, Trump wuxuu sheegay in xayiraadda Washington saartay dekedaha Iran ay weli sii jiri doonto. Mareykanka ayaa sheegay in cadaadiskaas uu qayb ka yahay dadaal lagu qasbayo Iran inay aqbasho heshiis lagu joojinayo dagaalka ay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen bishii February.
Xiisadda Marinka Hormuz ayaa sare u kacday maalmihii u dambeeyay, iyadoo Washington ay sheegtay inay quusisay toddoba doon oo Iran leedahay. Dhowr markab oo rayid ah ayaa sidoo kale lagu weeraray deegaankaas, waxaana Mareykanka uu weerarradaas ku eedeeyay Iran.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa Talaadadii sheegay in Mareykanku soo afjaray wajigii weerarka ahaa ee howlgalka ka dhanka ahaa Iran, oo Washington ugu yeertay “Operation Epic Fury”.
“Howlgalkaas waa dhammaaday — Epic Fury — sida madaxweynuhu Congress-ka u sheegay. Wajigaas waan dhameynay,” ayuu Rubio ku yiri saxafiyiin kula hadlayay Aqalka Cad.
Rubio ayaa sheegay in isku dhacyada ka dhacay Marinka Hormuz aysan ka mid ahayn dagaalkii asalka ahaa ee Iran lagu qaaday, balse ay la xiriiraan difaaca maraakiibta iyo danaha Mareykanka ee gobolka.
“Tani ma aha howlgal weerar ah; waa howlgal difaac ah,” ayuu yiri. “Macnaheedu waa mid fudud: rasaas ma dhaceyso haddii aan marka hore nala rasaaseyn.”
Dagaal aan weli dhammaan
Mareykanka iyo Israel ayaa February 28 weerarro culus ku qaaday Iran, iyagoo dilay hoggaamiyeyaal sare, islamarkaana burburiyay goobo militari iyo dhaqaale oo muhiim ah.
Si kastaba, weerarradaas ma aysan horseedin burburka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, oo jawaab uga dhigtay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo ka dhacay meelo kala duwan oo gobolka ah.
Trump ayaa April 8 ku dhawaaqay xabbad-joojin uu sheegay in lala gaaray Iran, balse wadahadallada u dhexeeya labada dhinac ayaa tan iyo markaas u muuqday kuwo gaabis galay. Maamulka Mareykanka ayaa hadda isku dayaya inuu muujiyo in cadaadiska militari iyo kan dhaqaale uu Tehran ku riixayo miiska wadahadalka.
Rubio ayaa sheegay in Mareykanku “gaaray ujeeddooyinkii” dagaalka, isagoo intaas ku daray in Iran ay wajahayso burbur dhaqaale oo daran.
“Waxay wajahayaan burbur dhab ah oo musiibo ku ah dhaqaalahooda,” ayuu yiri Rubio, isagoo xusay in Trump weli doorbidayo in xiisadda lagu dhammeeyo heshiis siyaasadeed.
Go’aanka Trump ee hakinta “Project Freedom” ayaa imanaya xilli Marinka Hormuz uu noqday xarunta ugu weyn ee xiisadda cusub ee Bariga Dhexe.
Hakinta howlgalka ayaa muujinaysa in Iran weli ay cadaadin karto Washington oo dooneysa inay fursad siiso dhexdhexaadinta, balse sii socoshada xayiraadda Iran waxay caddeyneysaa in Mareykanku uusan weli ka tanaasulin cadaadiska uu ku hayo Tehran.

