Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay inay Soomaaliya ugu yaboohdaylacago wax looga qabanayo kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ah , kuwaas oo dhibaato ba’an ku haya sida caalamku ay sheegaan Marin Biyoodka Mashquulka badan ee Badda Cas iyo Bdweynta Hindiya.
Turki bin Mohame Bis Saud al-Kabeer, oo ah Kuxogeenka agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Dibada Scuudiga ayaa si rasmi ah u iclaamiyay in Sacuudigu uu Soomaaliya ugu deeqay (300,000 US$) Seddex Boqol oo kun oo doolar.
Wuxuu ka sheegay in lacagahaan wax looga qaban doono Kooxahha Burcada Badaha Soomaaliya ee ka qowleysta Xeebaha Soomaaliya , Si awoodooda loo wiiqo sida uu tilmaamay .
Kuxigeenka Agaasimaga Guud ee Wasaarada Arimaha Dibada Sacuudiga wuxuu intaasi ku daray inay jiri doonaan Tababaro dheeri ah o la siin doono dhalinta Soomaaliyeed si wax looga qabto Dhibaatada Kooxaha Burcada Badaha Soomaaliya.
Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa Caqabad ku noqday maraakiibtii isaga kala gooshi jiray xeebaha Soomaaliya iyo gacanta cadan, waxaana ay geysteen weeraro badan oo maraakiib ay ku afduubteen.
Waxaase sanadihii ugu dambeeyay yaraaday weeraradii ay geysan jireen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho