Dad loo xiray dagaalka Gal-gaduud

Muqdisho (Caasimada online) Maamulka Gobolka Galgaduud ee dowlada Soomaaliya aya waxay gacanta ku dhigeen Afar Ruux oo lagu eedeyay inay ka dambeeyeen dagaal Beeleedyo dhawaan ka dhacay Gobolkaas.

Xuseen Wehliye Cirfo, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo ku sugan degmada Matabaan ee gobolkaas ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalo ay sameeyeen kadib ay kusoo guuleesteen inay gacanta kusoo dhigeen rag sida uu sheegay qeyb ka aha dagaal beeleedyada gobolkaas.

Ragan lasoo qabtay oo tiro ahaan gaarayay ayaa loo heystaa dagaal beeled dhawaan ka dhacay gobolkaas, waxaana iminka ay gacanta ugu jiraan maamulka dowladaSoomaaliya ee gobolkaas.

Gudoomiyaha Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo, Wuxuu tilmaamay inay sharciga horkeeni doonaan ragan ay gacanta kusoo dhigeen , waxaana uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgal;ada nuucani ah.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Gudoomiyaha Galgaduud in guud ahaan degmooyinka iyo deegaanada gobolkaas ay nabadeen doonaan isla-markaana ay ka shaqeyn doonaan nabadda gobolkaas.

Dhawaan deegaanada iyo degmooyinka gobolkaas waxaa ka dhacay dagaal beeleed salka ku haya aano qabiil taas oo aan wali xal laga gaarin.

Halkaan ka dhageyso codka Gudoomiyaha Galgaduud

Halkaan ka dhageyso Codka Galgaduud

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com