Cape town (Caasimada online) Koon fur Africa waxa wali ka taagan Boob iyo Dhac baahsan oo loo geysanayo Soomaalida Sida ganacsi ahaanta ah ugu nool dalkaas ,
Asad Caaase, waa ganacsade Soomaali ah wuxuu walaac xoogan ka muujiyay dhibaatada iminka ka taagan dalka koonfur Africa isagoona rajo xumo ka muujiyay nolosha Koonfur Africa.
Xilli uu u waramayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ka warbixyay Boobkii ugu damebeeyay ee dalkaasi ay ka geyteen Koonfur Africanka dalkaasi u dhashay , isagoo sheegay in markan Beegsiga goobaha ganacsi ee dalkas laga geysatay ay ka sinaayeen guud ahan ajaaniibta ku nool .
Asad, ayaa sheegay in arintu ay tahay mid faraha ka baxday waxaana uu tilmaamay in iminka ay ka gudubtay heeerkii wax ka qabashada Booliska dalkaaas , waxaana uu shaaciyay in xilliyada qaar ay Boolisku ay qeyb ka yihiin dhibaatada dalkaas iminka ka jirta .
Wuxuu daaha ka qaaday in xilliyada qaar la arkayo ciidamo labisan Dareeska ciidamada Booliska dalkaas oo qeyb ka qaadanaya boobka iyo dhaca oo geysanayo Dukaamada Soomaalida ah ee dalkaasi ku yaala .
Hadii aan arintan aysan ka fariisan madaxda dalkaas isla markaana laga aamuso looguna simo booliska dalkaas ayuu shaagay in arintu ay noqoneyso mid xadka kasii baxda kana sii fogata heerka ay iminka mareyso .
Inkastoo ay jiraan ku dhawaad 70 qof oo loo heysto dhibaateynta soomaalida dalkaas laguna wado in dhawaan maxkamad lasoo taago ayuu sheegay in taas aysan wax maco ah kordhineyn .
Markaan dhuuxdo hadalka Mas’uuliyiinta dalkaas ee ku aadan dhibaateynta Soomaalida iyo baaqyada nabada ah ay dirayaan iyo boobka iyo dhibatada lagula kacayo waxaa kuu muuqanaya in xaajadu ay u egtahay Qawda maqashii waxa ha uqaban.
Halkaan ka dhagyso codka Asad Cabaase Gnacsade Soomaali ah
Halkaan ka Dhageyso Asad cabaase
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

