Brussels (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Faroole oo hogaamiya maamulka Puntland,ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khudbad uu ka jeediyey shirkii New Deal, balse Midowga Yurub ay xannibeen in la daawado.
Faroole oo la kulmay jaaliyadda beeshiisa ee Brussels, ayaa shaaca ka qaaday inaanu ka warheyn in khudbaddiisa la daawaday iyo in kale oo uu ka maqlay dadka, markii uu shirka kasoo baxay kadib.
Waxa kale oo uu sheegay in muhiim aysan ahayn in khudbaddiisa loo daawaday si toos ah, inkasta oo uu jeclaa, haddana muhiimadda ay tahay in farriintiisa uu u gudbiyey Midowga Yurub
“Aniga iyo wafdigayga waa nimi shirka New Deal, waxaana u sharaxnay Beesha Caalamka Xaalada Soomaaliya ay ku jirto iyo tan Puntland, waxaana Beesha Caalamka u sheegay qorshaheena 5 ta sano ee soo socota , qoraalna waanu hordhignay wax nagu seegana ma jiraan hadii la baahiyo khudbadeena iyo haddii kale, idinku ka jaaliyado ahaan idinku baara waxa loo siidayn waayey Khudbada” ayuu yiri Faroole oo la hadlayey jaaliyaddiisa.
Faroole, oo ay jaaliyadda su’aalo ka weydiisay wararka ka jira in Midowga Yurub ay xannibeen khudbadda iyo in kale, waxa uu si carro leh u yiri inaanu ka jawaabi karin su’aalo ceynkaas ah.
Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

