28.8 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Maxaa kala heysta maamulada Jubba iyo Koonfur Gabeed Somalia?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beydhabo (Caasimada online) Magaalada Beydhabo waxaa ka soconaya kulamo lagu doonayo in lagu soo dhiso maamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya , kaas ay yeelanaya gobolada Baay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Labada Jubbo iyo Gedo.

Qorshahan waxaa ku howlan Waxgarad , Siyaasiyiin iyo madax ka tirsan dowlada Soomaaliya oo intooda ugu badan matala beelaha Digil iyo Milifle , waxaana fikirkan ah dhismaha maamulka koonfur galbeed Soom aaliya ku raacsan gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya .

Gobolada la doonayo in laga hir galiyo Nidaamkan dowlad goboleedka ah waxaa ku jira gobolada uu ka arimiyo maamilka Jubba ee uu hogamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe , inkastoo waxa Beydhabo Ka soconaya ay riyo ku tilmaameen .

Saraakiisha ciidamada Barre Adan Shire Hiiraale waxay wax lagu farxo ku tilmaameen arinta ka soconeysa Beydhabo , waxana ay shaaca ka qaadeen inay soo dhaweynayaan go’aanka Beelaha dega gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya.

Ibraahim Cabdi waa mudane ka tirsan Baarlamaanka dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya , wuxuu sheegay in waxa Beydhabo xilligan ka soconaya inay tahay mid riyo ah , isgoona daaha ka rogay in Beelaha dega gobolada Gedo iyo jubbooyinka ay ku heshiiyeen inay maamul I gaar ay sameystaan .

Wuxuu sheegay in Beydhabo dadka isugu tagay aysan matali karin guud ahan gobolada Koonfur Galbeed Somalia, waxaana uu tilmaamay in ay wanaagsaneyd kol hore in lagu dhaqaaqo maamulka iminka qorshihiisa uu ka socdo Beydhabo  balse markii lala soo dahay ay bulshada jubbooyinka iyo gedo ay maamul u gaar ah sameysteen .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo xilligan ah ku simaha Madaxweynaha Somalia ayaa dhawaan socdaal uu ku tagay Beydhabo wuxuu kula soo kulmay ragga wada qorshaha maamulka koonfur galbeed Soomaaliya oo Siyaasiyiin , Waxgarad iyo Aqoon yahano isugu jira.

Proff: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaawi, ayaa la sheegay in odayaashu ay ax ka badaleen qorshihii uu halkaas u tagay oo ahaa in odayaashu ay joojiyan qorshaha arintan , hayeeshee Jawaari aya shaaciyay inuu ku taageerayo dhisidda maamulka ay doonayaan inay ku dhaqaan.

Arintan waxay muujinaysaa isk war heyn la’aan madaxda dowlada Soomaaliya ah maadaama Maamulka Jubba ay si buuxda u aqoonsatay dowlada Soomaaliya kadib qilaaf soo jiitamayay in ka badn hal sano .

Dhismaha Maamulkan wuxuu caqabad ku yahay Maamulka ka ira iminka Deeganada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee uu madaxda u yahay Axmed Mdoobe .

 Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News