29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Dhageyso: Kenya: Waa la bad baadiyey dhamaan laheystayaashii Westgate

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada online) Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday inay ad baadisay guud ahaan dadkii lagu heystay xarunta ganacsga Wegtgate ee magalada Nairobi oo ay wali ku jiraan ragii hakaasi weerarray maalintii sabtida.

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga dalkaas ayaa sheegay in guud ahaan dadkuu lagu heystay xaruta Wegtgate iminka ay yihiin kuwo bad qabo si nabad galyo ahna ay ku nool yhiin ,.

Wuxuu sheegay kadib dadaal dheeri ah oo ay sameeyeen ciidama dlakaasi oo iskaashanaya inay u suura gashay inay  bad baadiyaan dadkii halkaasi lagu heystay ciidamaduna ay laoran karo inay la wareegeen gacan ku heyta halkaasi.

Wairka arimaha gudaha ayaa yiri sida tan xilli saxaadafu ay arinta westgate su’aalo ka weydiisay

Dadkeena wey badqabaan, dadka la heystayaasha ah waa lasoo daad gureeyay mana u malaynayo inay ku sugan yihiin dhismaha, waxaan idinka dalbanaynaa inaad noo ogolaataan inaan dib u laabataan si aan shaqadeena u gudano,

Ciidamdeena ayaa si rasmi u maamulaya xaalataani aad ayaan idiinkuiugu mahad celinaynaa, goobta dabka uu ka kacay waa gudaha keydka ee Nakumatt, waxaan u malaynaynaa in dabka ay kiciyeen argagxisada,

Waxaan sheegnay shalay oo aan xaqiijinayay in argixisada ay ka kooban yihiin 10-15, ma doonayno inaan hadda ku mashquul jinsiyadaha ay u kala dhasheen iyo waxay yihiin, aad ayayna u cadahay in dhamaan rag ay yihiin, qaar kamid ah ragg ayaa soo xertay dharka dumarka, taasi oo xaalada qastay, laakiin dhamaan argagixisada waa rag ayaan idiin xaqiijinayaa.

Labada dhinac ciidamada amaanka iyo dadka la heystayaasha ah waa la badbaadiyay , laakiin sidaasi daraadeed ma doonayo inaan ka warbixiyo, laakiin waxaan sameynaynaa wax walbaa oo suurto gal ah,

Anaga ayaa maamulayna dhamaan biyaanooyinka dhismaha, taasina waa muhiim, ciidamadeena ayaa maamulaya dhamaan dhismaha, argagixisada waxay ku carareen oo ay isku qarinayaan meelaha qaar ee keydka iyo suuliyada, laakiin dhamaan dhismaha iminka annaga ayaa gacanta ku hayna, waxaan sidoo kale xaqiijinayaa inaan si buuxda u maamulayno dhismaha dhan, sidaasi daraadeed ma jiro dhisme naga maqan.

Waxaan sheegnay  shalay in howlgalka ay sameynayaan ciidamadeena qaranka  hayadaha ciidamada amaanka ee dalka, ciidamada booliska qraanka iyo hayadaha qaranka ee amaanka, kuwaasi waa dadka ku lugta le howlgalka sidoo kale waxaan helnay caawinaad dheeri ah oo saaxiibadeena ah

Shacabka Kenya iyo Ajaaniibta dalkaas ayuu sheegay inay iska ilaaliyaan iskana yareeyaan wal walka ku aadan arintan uu oo sheegay inay fuliyeen qolyo waxmagato ah sida uu hadalka u dhigay

Inkastoo dowladu ay sheegtay inay bad baadisay dakii lagu heystay Westgate ayaa hadana waxaa jira in wali Diyaaradaha dagaalka ay dul hee habayaan oogada sare ee daarta Westgate .

Dhanka kale ciidamada dalkaas ayaa gacanta ku dhigay xilli uu qorsheynayay inuu ka duulo dalkaas ruux sida la sheegay looga Shakiqabo inuu ku jiray kooxihii wetgate dadka badan  ku laayay .

Wiilkan oo hayetay Baasaboor Britain ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Abdu Risak , waxaana xilliga la qabanayay la tilmaamay inuu ahaa ruux dhaawac ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii westgate .

Wararku waxay sheegan in ay jiraan rag badan oo werarkaas qeyb ka ahaa inay isku soo dareen dadkii bad badada sidaasina ay ku baxsadeen kadib markii ay iska dhigeen Hubkii ay ku dagaamayeen  taas oo reer Kenya cabdi xooga kusii abuureysa.

Halkaan hoose ka dhageyso Codha Xoghaya Arimaha gudaha Kenya

Wasiirka  Arimaha Gudaha Kenya

Caasimada online
Xafiiska Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News