Kismaayo (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya halkaas caawa iyo galabta lagu dilay ugu yaraan seddax askar.
Sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha, ciidamada la dilay waxa ay ka tirsanaayeen maamulka kumeel gaarka ee Axmed Madoobe.
Falka dilka ee galabta iyo caawa ka kala dhacay Kismaayo ayaa la sheegay in loo aaneenaayo aanooyin qabiil kuwaasoo maalmahan ka taagnaa magaalada.
Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dilal ka dhacay Kismaayo, dilka kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba.
Waxaa caawa kacsan xaaladda magaalada, sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Kismaayo, waxaa caawa bandow ah magaalada oo waxaa la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadidka.
Magaalada waxaa ka dhacayay maalmahan dilal iyo qaraxyo, iyadoo gacabta ku heynta magaalada ay ku jirto maamulka kumeel gaarka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

