Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Ismaaciil Maxamed Hure Buubaa oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” uu geyn doono Xafiiska Madaxweynaha warqad istiqaalad ah oo ku sheegayo inuu iska casilay xilkii uu xukuumadda ka hayay.
Sidoo kale Caasimada Online ayaa 22-kii bishan qortay in Saacid is casili doono, sida xog la helay ay muujineyso.
Mr. Buubaa oo wareysi siiyay Wargeyska Haatuf ee kasoo baxa magaalada Hargeysa ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in xilkaasi ay daneynayaan Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland iney qabtaan jagada Ra’iisul Wasaarenimo ee Somalia.
“Anigu waxaan ogsoonahay ama xogta aan hayo Axmed Ismaaciil ma oga, anigu ilaa halgankii SNM ama dhalashadii Somaliland cidi igama sheekaynayso waxa jirana waan ogahay markaa aniga iyo Axmed waan kala aragti dheernahay waxaan qabaa danta Somaliland waxay ku xiran tahay midnimada umada Soomaaliyeed sidaasi bay wax ku noqon kartaa Somaliland waxna ugu qabsoomayaan caalamkuna soo dhawaynayaan aniguna guntaan ka eegayaa in midnimadu danta ugu wayni Somaliland ugu jirto”.
“Gooni isutaag baan rabaa waxaa uu ku maah mahay doqoni haddii lays dilo waxay moodaa in lagu kala tagay dadka Somaliyeedna maaha mid sidaa ku kala tegi kara, markaa waabaa xasuuq nalagu sameeyey micno ma samaynayso waxa loo baahan yahay in Soomaali hore u socoto oo dib wax loo eegin gocashadana layska daayo”ayuu yiri Ismaaciil Buubaa oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdihii KMG iyo Dowladdii C/qaasim ee Carta lagu soo dhisay.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

