Raysal Wasaaraha SOMALIA oo lagu warramayo inuu is casilayo dhowaan

Muqdisho (Caasimada Online) Idaacadda SKY fm ee magaalada Muqdisho ayaa xalay sheegtay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid in uu maanta u amba bixi doono qaaradda Yurub.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah dalalka Switzerland iyo Turkiga.

Waxa uu Switzerland uga qaybgali doono Shir looga hadlayo arrimaha Xuquuqda Addanaha iyo ka hortagga askaraynta caruurta.

Idaacadda ayaa sheegtay in marka uu tago dalka Turkiga, uu kula kulmo halkaas uu ku qaadan doono madaxda dalkaas.

SKY FM ayaa sidoo kale sheetay in marka uu soo dalka ku soo laabto madaxweynaha Soomaaliya oo hadda ku sugan dalka Maraykanka in uu ra’iisal wasaare Shirdoon uu is-casli doono.

Haddaba dowladda Turkiga oo ah saaxibka kaliye ee dowladda Soomaaliya, ayaa arrintan aad ugu ololeeneysa, waxaana la sheegay in xukuumada Ankara ay u ballan qaaday ra’iisal wasaare Saacid haddii uu shaqada ka tago in uu la dajin doono dalka Turkiga halkaasna uu ku noolaan doono isaga iyo qoyskiisa.

Si kastaba, waxaa maalmahan caasimada Muqdisho ka socday kulamo gaar-gaar ah, waxaana ra’iisal wasaaraha loogu baaqay in uu shaqada isaga tago maadama ay soo bateen dadka leh waa in ra’iisal wasaaraha uu is-casilaa.

Xiriiro aan la sameenay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo aan wax ka weydiinay arrintan waa ay ka gaabsadeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com