KASHIFAAD: Dhibaatadii maalmo kahor Xamar ka dhacday, yaa ka dambeeyey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog Hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhacdaadii dhawaan ka dhacday duleedka dhegmada Kaaraan ee ay ku naf waayeen dad  kor u dhaafaya 15-Ruux tiro intaasi ka badana ay dhawacyada kasoo gaareen ay aheyd mid siyaasad laga lahaa .

Caasimada Online oo daba gal iyo Xuuraansi arrintan ku samaysay ayaa ogaatay in dumitaanka Kaawadu ay ka dambaysay ka gadaal markii halkaasi walxaha qarxa  lagu xiray halkaasi.

Qarxinta kaawadan waxay salka ku heysaa sida aan waraka ku heleyno is qabqasi dhanka dhulka ah oo ka jira dhulka xeebta ah ee ku yaala duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho oo ah dhul xeebeed aad u baaxad weyn.

Cali Maxamuud Maxamed Gudoomiyaha iskaashatada dhagaxa ayaa sheegay in xiisadu ay u dhexeyso dadka muruq maalka ah iyo sidoo kale ganacsato uu sheegay inay xoog ku doonayaan inay dhulkaasi kula wareegaan.

Dhulkan kaawada ah ayuu sheegay inay Milkiyad ahan u leeyihiin dadka Muruq Maalka ah sida uu sheegtay isagoo intaasi ku daray inay heystaan cadeymo muuiinaya lahaan shiyaha dhulkaas.

Ujeeedka ganacsatada ay dhulkaasi kaleeyihiin ayuu sheegay in maadaama uu yahay dul xeebeed Quruxbadan  inay kasameyntaan Hotelo iyo in Milkiyada dhulkaas ay  kala wareegaan si qasab ah sida uu shaaciyay.

Rag ku labisan dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in dhowr jeer oo hore loo soo kireystay balse ay iska caabiyeen waxaana uu tilmaamay in howshooda ay in muddo ah iska soo daba jiitameysay.

Guud ahaan lamaha amniga ayuu tilmaamay inay gaarsiiyeen arintan si wax loogu qabto balse wuxuu sheegay inaan dhag jalaq loo siin, waxaana uu qiray in dhacdadii maalin hore inay aheyd mid ula kac loo sameeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com