Kismaayo (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan ugu dhacay xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.
Kooxo hubeysan ayaa madaxii sirdoonka Maamulka Jubba ku dilay xaafada Calanleey, iyadoo dilkiisa la rumeysan yahay iney salka ku hayso aano qabiil oo maalmahan xiisado qabiil ka taagneyd.
Sarkaalka la dilay ee dhinaca Sirdoonka u qaabilsanaa Axmad Madoobe oo lagu naaneesi jiray Ganay ayaa maliishiyo ku heyb ah waxay xalay iyagana dileen labo qof oo ku heyb ah maliishiyadii geysatay dilka Ganey.
Sidoo kale habeenkii Isniinta ayaa weerar lagu qaaday guryaha ay Kismaayo ka degan yihiin C/llaahi Raadeer iyo Yaasiin Qaldaan oo labadooda ka mid ah saraakiisha Kismaayo.
Dhamaan arrimahani ayaa waxay yihiin kuwo ka dhashay dad lagu dilay Kismaayo maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasi oo isu badalay arrimo qabiil.
Jen.Cllaahi SH. Ismaaciil “Fartaag”ayaa beeniyay in dilalka ka socda Kismaayo ay ku lug leeyihiin aano qabiil, wuxuuna meesha ka saaray wararka sheegaya in arrimo qabiil loo dilay dadkii ugu danbeeyay ee xalay la dilay.
Isha: Warfaafiye.com

