26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhageyso: Xaliimo Cali” Aabeheey ayuu moodayay Ruuxa uu Gubay Balse manoqon ( Dhacdo Naxdin leh)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdiho (Caasimada online ) Sida aan Todobaadkii hore idiin Soo daabacnay waxaa Dhacdo naxdin leh  ay ka dhcday Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banadir, Taas oo ku aadaneyn in Nin uu Gubay Gabar sida ay sheegtay ay kala tageen iyo Nin ay hore Ilmo ugu soo dhashay.

Xaliimo Cali Carab , waa gabadha ay dhacdadan ku dhacday Vod-da qeybta Afka Somaliga ayay uga warbixisay waxa ku dhacay iyo sida uu dhibka ku soo gaaray .

Iyadoo ka warameysa Xiriirka ninka Gubay iyada , iyo ninka la gubay , iyo waliba waxa arintan keenay ayaa  waxay sheegtay in ninka iyada iyo ninka kale gubay ay dhowan kala tageen Hal Gabarna ay u dhashay sida ay tilmaamtay.

Sidoo kale waxay sheegtay in Ninka kale ee la gubay ay isna hore ugu soo dhashay lix Caruur ah isla-markaana muddo ay kala maqnaayeen balse habeenka la gubi doono uu yimid inuu caruurtiisa soo eegto xoogaa lacag ahna uu u keenay.

Xaliimo waxay sheegtay inay heyso 7 – Caruur ah oo lix ay isku bah tahay midna uu dhalay aabaha wax gubay iyo sidoo kale aabaha iyada dhalay oo ay sheegta inuu yahay aabe da’ ah .

Khilaafkan keenay heerkan Gubniinka ah ayay sheegtay inaysan garaneyn balse kaliya ay og tahay ka hor inta uusan falkan sameyn inuu xaday sida ay sheegtay Dhar iyo Kabo uu aabehed lahaa habeekaas uu wax gubayana uu qofka uu gubayay uu moodayay iyada aabeheed .

Ninkan la gubay ayaa jiifay Sariir u gaar ah , waxaana uu huwaaa Kubeyrto weyn uu dhaxanta kaga gabanayay , waxaana mar qura uu ka war helay dab ka olalaya sariirtii u saarnaa iyo waliba kubeystadii uu huwanaa, taas oo sahashay inuu si dhaqsi ah u waxyeeleeyo dabka, sida ay sheegtay Xaliimo.

Waxay sheegtay  inay kusoo toostay qeylada ninkan oo  aheyd ” Alla waan gubanayaaye i damiya” waxaana durba ay isku dayda inay caawiso hayeeshii waxaa durba sida ay sheegta albaabka laabiisa kasoo baxay ninka falka geystay oo isku dayay inuu iyadana gubo hayeeshee, sheegtay inaysan u noqon heerkii uu la damacsanaa inkastoo ay xaqiijisay inuu dab xoogan soo gaara kadib markuu Basiin iyo Taraq iugu daray.

Saraakiisha Ciidamada booliska Soomaaliyeed waxay sheegeen inay ku dabo jiraan ninkii falkan geystay sharcgana ay horkeeni doonaan

Hadaba nala hageyso Xaliimo oo ka shekeyneysa sida ay wax u dheceen.

Gabar dhibaateysan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News