Zeinab Abdi Omar waa Haweeney Soomaaliyeed oo ku nool dalka Bengium-ka, xiriir ay nala soo sameysay ayaa waxay inoo sheegtay in dacwadeeda qaxootinimo la diiday iyada iyo Labo gabdhood yaryar oo walaalkeed uu dhalay, oo lagu kala magacaabo Ikraan Abdalla Xusen iyo Ayan isla markaana lagu wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu celinayo dalka Soomaaliya.
Haweeneydan oo mudo Sedax bilood ah dibada ku nooleyd oo aysan jirin daryeel ay haysato iyada iyo labada caruur ah ee ay hayso isla markaana aysan jirin cid wax ku siineysay mudadaasi sedaxda bilood ee bannaanka yaalaan, waxaana hadda lagu wargeliyay iney iska xaadiriso oo ay tagto Kaam loogu talagalay dadka dib u celinta ee dalkooda laga dejinayo.

Zeinab waxay sheegtay in 29-05-1012-kii iney isdhiibtay xiligaasi kadibna la siiyay Sedax jeer oo diidmo ah (Negativ) iyadoo lagu haystay Soomaalinimadeeda, markii ay kasoo caddeysayna Safaaradda Soomaaliya ee Brusells oo documentiyada caddeynta sida Paspor-ka Soomaaliga iyo warqada sugnaanta in lagu diiday isla markaana lagu wargeliyay ineysan dowladda Belgium-ka aqoonsaneyn wax la yiraahdo Paasapoorka Soomaaliga.
Maadaama Soomaalinimadeeda shaki la geliyay, haddana markii ay Safaaradda Soomaaliya kasoo caddeysay Zeinab Soomaalinimadeeda ayaa waxaa loo sheegay in dib loogu celinayo dalka Soomaaliya, oo horay loogu siiyay Negativ-ka shaki laga qabay Soomaalinimadeed, taasoo ay sheegtay in aysan is laheyn labada war ee ay ku hadlayaan waaxda qaabilsan qaxootiga, wax is lehna aysan aheyn.
Zeinab waxay kaloo tilmaamtay in Safaaradda Soomaaliya markii ay xiriir la sameysay lagu wargeliyay in uu Safiirka dalka ka maqan yahay, uuna dib usoo laaban doono bil kadib, iyadoo xiriiro kala duwan oo ay la sameysay heli weyday jawaab waafi ah iyo cid si rasmi ah arinteeda wax ugu qabto.
Zeinab oo dalka Belgium-ka soo gashay bishii May 2012-kii waxay ka mid tahay dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada iyo saameynta ku yeeshay dagaaladdii xumaa ee ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay ku weysay Hooyadeed iyo Aabaheed oo mar qura madfac habow ah ku dul habsaday, dhacdadaasi oo ah mid qalbiga qofka ka dhaqmi doonin.
Ali Muhiaddin
Netherlands
[email protected]

