Muqdisho (Caasimada online Tan iyo markii uu Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ku dhawaaqay inuu isku shaandheyn ku sameynayo golahiisa Wasiirada lana kordhindoono tirada xubnaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa Magaalada Muqdisho LAGA Dareemayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo galaangal ay wadaan siyaasiyiin iyo aqoonyahanno doonaya inay iska dhex arkaan Golaha Wasiirada cusub.
Dhaqdhaqaaqyadan ay wadaan siyaasiyiintaasi ayaa sii xoogeystay ka dib markii ay soo baxday in tirada wasiirada cusub la kordhinayo, ugu yaraanna ay noqnonayaan labanlaabka tirada hadda ay yihiin tirada golaha wasiirada haddiiba aysan ka badan.
Waxaana Jira Tuhun ah in qaar ka mid ah wasiirada hadda jira laga yaabo inay xilalka waayaan, taas oo ka dhigeysa haddiiba ay dhacdo in Wasiirada cusubi ay la yimadaa Isbadal, inkastoo aan la ogeyn inay tayo ahaan ka bedelnaandoonaan kuwii hore.
Dadka dhaliila qaab dhismeedka dowladaha Soomaaliya lagu dhiso ayaa sheegaya in dhibta ugu weyn ee haysata dowlada Soomaaliya ay tahay iyadoo aan dadka loo soo xulayo inay noqdaan xubnaha golaha wasiirada aan loo fiirin aqoonta Wasaaradda loo dhiibayo.
Waxaana la tilmaamayaa in arintaas ay Meesha ka saareyso waxqabadkii laga doonayey inay wasaaradduhu dalka u qabataan, inkastoo loo aaneynayo arimahan nidaamka awood qeybsiga beelaha.
Illaa hadda lama oga waqtiga rasmiga ee isku shaandheyntani ay dhacaayso ,waxaase dib u dhacay qorshe uu ra,iisulwasaaruhu Barlamaanka ku hor tagi lahaa ,kaas oo hadda laga dhigay 26-bishan oktoobar lamana oga in ko hor la Magacaabi Doono Wasiirada cusub iyo in kadib la soo dhisidoono.
Ra’isul Wasaare Saacid ayaa si cad u sheegay dhowaan inuu isku shaandheyn ku sameyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan Xubnihiisa golaha Wasiirada Soomaaliya,
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho