26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Qarax xoogan oo Kismaayo kadhacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada online) Sida warark magaalada Kismaao aan ka heleyno ay sheegayaan Qarax khaaso sababay ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa waxaa lala damacsanaa ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubba oo ku sugnaa halka uu Qaraxu ka dhacay, waxaana uu ahaa Bambada Nuuca gacanta laga tuuro .

Laba ruux ayaa la xaqiijiyay in Qaraxaas ay ku geeriyoodeen halka in kabada 3 ruuxna uu dhaawc ka soo garay , kuwaas oo ka ag dhawaa halka ay wax ka dheceen , waxaana la sheegay in dhamaan dadka Qaraxaasi ku wax yeeloobay ay Shacab ahaayeen.

Wararku waxay sheegayaan in Qaraxan uu ka dhacay Suuq kuyaal bartamaha magaalada Kismaayo oo ay ku badan yihiin dad Shacab ah, inkastoo xilliga uu qaraxasi uu dhacay ay ku sugnaayeen ciidamo maamulka Jubba ka tirsan.

Ciidamada Maamulka Jubba ayaa iminka waxay baaritaano xoogan ka wadaan magaalada Kismaayo

Taliyaha Ciimada Maamulka Juba Maxamuud qalib Oo La Hadalay Risaala Ayaa Waxba Kamajiraan Waxa Uu Ku Tilmaamay Qarax Maanta kadhacay  ka dhacay Gudaha magalada kismaanyo

Waraka qaar Ayaa Waxa AY Shegayaan In Ciimada Mamaulka Juba La Beegsaday qaraxaasi  Dad shacan ahna Ay Waxyeelo  Ka soo Gaartay

Taliyaha ciimada mamulka Juba ayaa sheegay in uu jiro qaraxaasi basle uusan ka dhicin gudaha magallada Kismaanyo ee uu ka dhacay duleed Magaladaasi.

Wuxuu sheegay in Qaraxu uu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayna  qarxday kadib markii gari nooca Rakaabka uu dulmaray .

 

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News