25.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Hiiraale: 75 maleeshiyo iyo 5 gaadiid dagaal oo gacanta u galay Madoobe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada online) Saraakiisha Ciidamada Cornel: Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa xaqiijiyay in Maamulka Jubba 75-Askari, oo ciidamadooda ah iyo Afar Gaadiidka Dagaalka ah , ay la wareegeen isla-markaana haatan ay ku darsadeen Ciidamada Maamulkooda.

Afhayeenka Barre Hiiraale, Xasan Qaasim Warsame, ayaa sheegay in ragan ay yihiin kuwo markii hore Ciidamadooda ka tirsanaa balse dagaalkii Dhowaan kismaayo ka dhacay lagu qabtay , isla-markaana mudooyinkan gacanta ugu jiray Ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga

Wuxuu sheegay in 75-askari iyo afarta gaadiidka dagaalka, ay gacanta ku dhigeen ciidanka Kenya, xilligii dagaalka Kismaayo uu Socday, balse dhawaan ciidankaasi loo gacan geliyay Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Afhayeenka ayaa Tilmaamay in Askariga ka tirsan ciidankaasi ee ay dilaan ciidanka Axmed Madoobe ayuu sheegay ay kula xisaabtami doonaan ciidamada Kenya, ee gacanta ugaliyay Axmed Madoobe  ciidanka Barre Hiiraale.

Arintan ayuu shaaca ka qaaday inay  ka bixin doonaan jawaab cad oo ku aadan ficilka Kenya ay sameeyeen Somalia gaar ahaan Magaalada Kismaayo, kadib markii sada uu sheegay ay uga heeliyeen Axmed Madoobe oo aayaha gobolka kasoo horjeedo inuu horumar sameeyo sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Jubba ayaa ragan dhowaan kusoo Bandhigay gudaha magaalada Kismaayo iyagoona sheegay inay si rasmi ah uga mid noqdeen Ciidamada Maamulka Jubba.

Saraakiisha Ciidamada Barre Hiiraale, ayaa dhowr jeer oo hore waxay sheegeen inay Kismaayo ka qabsan doonaan raga gacanta ku haya.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News