Muqdisho: Arrin dad badan ay ku dhib qabeen oo weli taagan lagana hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Ceydiid Ilka Xanaf ayaa wuxuu ka hadlay arimaha ku aadan dacwadaha la xiriira dhulalka la’isku heysto magaalada Muqdisho , waxaana uu sheegay in iminkaarintaas ay ku wareersan yihiin.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay Jiraan Hey’ado iyo Shirkado gaar loo leeyahay kuwaas oo ku sugan dal iyo dibad isla-markaana ku xeel dheer qaabka koobiyeenta Saxiixyada iyo sameynta Dukumiintiyada Been abuurka ah.

Ilka Xaanaf wuxuu sheegay in qolada arimahaasi ku shaqeysta markii hore ay ku koobnaayeen Muqdisho gaar ahaan Suuqa Xoolaha Balse iminka ay gaareen dalka iyo Dibadiisa .

Wuxuu sheegay in marka laga soo gudbo Dukumiintiyadii hore iyo Saxiixyada Madaxdii hore ee Maxkamadaha iyo hey’adihii hore ee dowlada ay xitaa garanayaan Saxiixiisa iyo Kan Madaxweynaha sidaasi darteeedna ay adag tahay inay xakameeyaan.

Ceydiid Ilka Xanaf wuxuu tilmaamay inay dhibaato xoogan oo sameynteeeda wadato ay ku qabaan sidaasi darteedna loo baahan yahay iyado dalalka Caalamka lala kaashanayo inay dowlada Sameyso ka hortaga iyo la dagaaalanka dadkaas.

Mudooyinii Dambe waxaa soo baxayay eedeymo ku aadan in maxkamada Sare ee dalka inay u xagliso dadka qaar waxaana jiray tuhun ah inay qarash ku dhameyso arimaha dhulalka la isku heysto inkastoo warkaas ay beenisay

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com