Dhacdo xalay ka dhacday Boosaaso oo afka gacmaha la wada saartay + Cod

Boosaaso (Caasimada Online) Waa Dhacdo la yaab iyo naxdin leh oo ka dhacday xaafad ka mid ah Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari, kadib markii nin la dilay shan bil kahor meydkiisa laga soo saaray hooygii uu daganaa.

Maxamed Bashiir ayaa meydkiisa waxaa isaga oo jar-jaran laga soo saaray god lagu riday oo ku dhexyaala guriga uu daganaan jiray, kadib Shanbilood markii ay kasoo wareegatay dilkiisa

Iftin Maxamed Cismaan iyo Tamaam Ahmed oo u dhalatay qowmiyadda Oromada ee Ethiopia ayaa la rumeyan yahay inay  middi ku dileen marxuumka, sida uu sheegay Taliyaha saldhigga booliska Baal-lade ee Boosaaso, Siciid Cali Ibraahim.

Tamaam Ahmed, ayaa la sheegay inay aheyd Xaaska Marxuunka la dilay, waxaana la rumeysan yahay inay iyadu ka dambeysay dilkiisa, waxaana Taliyuhu uu sheegay   in dadkaasi iminka gacanta lagu haayo oo ciidamada Booliiska ay ku wadaan baaritaano, maadaama falka ay geysteen uu ahaa mid naxdin badan oo aan horay Boosaaso uga dhicin.

booliska oo kaashaanaya Ehelada Marxuunka, ayaa Baaritaan ay sameeyeen waxay Shanbilood kadib ogaadeen in Meydkiisa uu ku dhex aasan yahay Guriga isagoo Cad cad loo jaray taas oo markii dambe keentay inay kasoo saaran halkaasi.

Waa dhacdo naxdin iyo amakaag leh, marka loo eego ruux inta la dilay oo mindi lagu jar-jaray kadibna meydkiisa aqalka god ku yaala lagu riday, waxaana arintan si ad ah iminka looga hadal hayaa magaalada Boosaaso.

HaLKAAN KA DHAGEYSO DHACDADA 

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

Caasimada@live.com