Jowhar (Caasimada Online) Wararka caawa naga soo gaaraya gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya halkaas ay ka taagan tahay xiisad kaddib markii askari ka tirsan guutada koobaad uu ku toogtay deegan ka tirsan gobalka Shabeebellaha Dhexe sarkaal ciidamada ah.
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo, Ismaacil Laambeey ayaa la sheegay in ay isku dhaceen askariga falkaas geestay sida ay lee yihiin saraakiisha ciidamada guutada koobaad.
Markii dilka uu dhacay waxaa ciidamada ay billaabeen in ay soo qabtaan askariga dilka geestay waana la soo qabtay balse dhowr saacadood kaddib ayaa si qarsoodi ah loo diray.
Arrintaas waxa ay dhalisay in xiisad ay ka dhalato waxaana laga cabsi qabaa in ciidamada halkaas ku sugan labo u qayb samaan.
Ilaa hadda lama sheegin sababta uu askariga ciidamada dowladda uu ku dilay sarkaalkan ka tirsan guutada koobaad.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

