Yusur oo shaqadeeda ka billaabeysa dhinaca aan laga fileyn (Warbixin)

Muqidsho (Caasimada Online) Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abraar ayaa gaartay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kaddib markii dhawaan xilkaas uu u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya.

Ms. Yusr oo saxaafadda kula hadlaysay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegtay in shaqooyinka ugu waaweyn oo ay qaban doonto ay ka mid tahay siddii xal loogu heli lahaa xawaaladaha Soomaalida oo hadda noday kuwa la isku xiro markasta.

Waxa ay sheegtay in ay xiriir la sameen doonto baananka adduunka sida Barclay’s Bank oo dhawaan xiray in ka badan 200 oo xawaaladaha Soomaalida.

Guddoomiyaha Baankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale, sheegtay in Bankiga Adduunka ay kala hadashay arrimo ay ka mid yihiin sidii loo caawin lahaa xawaaladaha Soomaalida ee dibadaha oo dhanka wada shaqeynta ay culeysyo ka heystaan.

Ms. Yusur ayaa tilmaantay in xawaaladaha Soomaalida laga doonayo in ay la shaqeeyaan Bankiga Dhexe, si loo horumariyo adeegyada dhaqaale ee Soomaaliya.

Waa haweeneydii ugu horreysay oo ay sheegto guddoomiyaha Baankiga Dhexe loo magacaabo xilkaas kaddib markii guddoomiyihii hore Cabdisalaam Hadliye uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas kaddib markii eedeemo uga timid guddiga dabgalka Qaramada Midoobay ee UN-MONITORING.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Accra “Ghana”

Caasimada@live.com