Wafti IGAD ah oo tagay KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay maanta gaareen wafdi ka socda waddamada xubnaha ka ah urur gobaleedka bariga Afrika ee IGAD.

Wafdiga markii ay tageen Kismaayo, waxa ay kulamo la qaateen madaxda  maamul-ku-meel gaarka ee Jubba iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga qorshaha ay u tageen wafdigan IGAD ka socota, balse illo xog-ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online waxa ay lee yihiin waxaa kulamada looga hadlay shirarka dib u heshiisiinta ee ka kala dhacaya Muqdisho iyo Kismaayo.

Saxaafadda waa loo diidday in wax war ah la yeesheen wafdiga IGAD oo ilaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha Kismaayo sida ay lee yihiin dadka aan warkan ka soo xiganay.

Wafdigan ayaa la filayaa muddada ay joogaan Kismaayo in ay ku qalqaaliyaan Axmed Madoobe ka qaybgalka shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho ka dhacaya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

caasimada@live.com