26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Qaar ka mid ah dhaacyadii Baladweyne oo Muqdisho la keenay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow magaalada Muqdisho la keenay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii shaley ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wariye ku sugan Baladweyne oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in diyaarad Helicopter ah ay ka qaaday dhaawacyo magaalada taasoo geeneyso caasimada Muqdisho.

Waxaa hadda dadkan lagu daweynayaa Isbitaalka AMISOM ee Xalane, halkaas oo la dhigay sida ay lee yihiin mas’uuliyiin ka tirsan AMISOM.

Dhinaca kale, Tirada dadka ku dhintay qarixii Baladweyne ayaa gaartay iminka 19-qof sida uu warbaahinta u sheegay agaasimaha Isbitaalka Baladweyne.

Ilaa seddax qof ayaa la sheegay in tan iyo xaley ay ku dhinteen Isbitaalka, waxaana jirra qaar wali xaaladooda ay tahay halis.

Xaalladda magaalada ayaa deggan, waxaana caadi ku soo noqday isku socodka dadka iyo ganacsiga magaalada sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News