Ganacsade Somali ah oo Uganda lagu dilay & ragii dilay oo lagu raad joogo

Kampala (Caasimada online) Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa sheegaya in Booliska dalka Uganda ay baadi goob ugu jiraan burcad hubeysan oo ganacsade Soomaali ah ku dilay degmada Nakapiripirit ee waqooyiga dalkaas.

Marxuunka ayaa lagu magacaabijiray Cabdiraxmaan, kaasoo ka ganacsan jiray dahabka sida wararka aan heleyno ay sheegayaan.

Okot  Obwona, Taliyaha boliiska ee gobolka Mount Moroto ayaa sheegay in marxuumka  lagu dilay xarun ganacsi oo uu ku lahaa deegaan 12 KM u jira magaaladda Nakapiripirit ee dalka Uganda.

Sida  uu daabacay Wargeyska Sunday Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda  Raggii Maxruumkan dilay ayaa boob u geystay Hantidii uu lahaa Marxuumka ay dileen .

Taliyaha boliiska ee gobolka Mount Moroto, ayaa sheegay in aysan weli gacanta kusoo dhigin ragii dhacdadaan Fulyay waxaase wacad uu ku maray inay meel waliba uga daba gali doonaan sida uu sheegay.

Uganda Waxaa kunool Soomaali badan kuwaas oo qaabab kala duwan ugu nool dalkaas, waxaana arintan ay qeyb ka noqoneysa Dhibaatooyinka Soomaalida ay kala kulmaan dalalka ay magangalyo ahaanta ugu nool yihiin.

Caasimada online

Xafiiska Kampala

Caasimada@live.com