28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Wiilka Adan Cadde oo maanta xil culus loogu doortay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho lagu dooortay hogaanka midowga dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo loo doortay Prof Cismaan Aadan Cabdulle Cismaan oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horeyeey ee dalkeena Soomaaliya.

Munaasabadani ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye dhaqaatiir ka kala socota gudaha iyo dibadda oo ay ku jiraan dhaqaatir ka socotay dalalka Jaamacadda Carabta iyo Turkiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Golaha dhexe iyo guddoomiyahoodaba waxa ay doorteen in uu u noqdo guddoomiyaha ururka dhaqaatiirka soomaaliyeed Prof Cismaan Aadan Cabdulle.

Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegey in loo baahanyahay in bulshada soomaaliyeed laga haqab tiro dhinaca caafimaadka sida uu sheegay  Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo ku hadlayay magaca ururada bulshada rayida ah ee  soomaaliyeed.

“Waxaam u baahanahay in ururkan uu qeybta uga aadan wax ka qabto dhibaatada ka taagan dhanka caafimaadka,dowladana waxaa loo baahanyahay in ay nidaam iyo sharci u sameeyso arrimaha caafimaadka”Ayuu yiri Shirwac.

Prof Cismaan Aadan Cabdulle oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horeyeey ee dalkeena Soomaaliya oo maanta loo doortay guddomiyaha midowga dhaqaatiirta soomaaliyeed ayaa sheegey in uu kala shaqeyn doono dhaqaatiirta soomaaliyeed sidii loo horumarin lahaa adeegyadii caafimaadka.

“Mas’uuliyadda maanta leey dhiibay waa mid KMG ah waajibkeeygana waxaa waaye in aan dhaqaatiirta ku garab galo waaya aragnimadeeyda aniga iyo ragga ila midka ah ee saaxiibadeeyda ah sidii loo sameeyn lahaa ama loo aasaasi lahaa xirfad caafimaad oo aqoon ku saleeysan si loo horumariyo caafimaadka dalka iyo sidii bulshada soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatada ka heysata dhanka caafimaadka,ummad caafimaad qabta ayaa gaarto horumar dhaqaale iyo mid dhaqan intaba”ayuu yiri Prof Cismaan Aadan C/lle.

Wasiir ku xigeenka horumarinta adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye oo ugu dambeyntii ka hadlay kulanka ayaa ku dhawaaqay in dhawaan magaalada muqdisho lagu qaban doono shir heer qaran ah oo looga hadlayo arrimaha caafimaadka dalka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in marka uu shirka dhaco ka dib la soo saari doono sharciga caafimaadka ee dalka,isagoo sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono qofkii jabiyo sharcigaasi.

Sanadkii 1999 ayaa la aasaasay ururka midowga dhaqaatiirta soomaaliyeed oo maanta loo doortay in uu hogaamiyo Prof Cismaan Aadan C/lle,waxana ujeedka loo aasaasay ururkan ay aheyd sidii looga fogaan lahaa habacsanaan ku timaada nidaamka caafimaad ee bulshada maadaama ay meesha ka baxday dowladii dhexe  ee Soomaaliya.

Isha: Radio Muqdisho

- Advertisement -

Read more

Local News