27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Warbixin: Maxaadan ogeyn oo muhim u ah Somalia oo ka dhacaya Yurub?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Helsinki (Caasimada Online) Waddanka Finland waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacaya shir muhiim ah oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Shirka oo ka dhacaya xarunta safaaradda Britain ee dalka Finland, waxaa ka qaybgali doona diplomaasiyiin iyo safiiro ka socda waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkan waxaa loo bixiyay “Soomaaliya waxaa la joogaa xilligii wax la qaban lahaa” , wuxuu daba socdaa labo shir oo ka kala dhacay London iyo Brussels sannadkan 2013-ka.

Beesha caalamka ayaa hadda u soo jeesatay siddii ay wax ula qaban lahayd dowladda fedaraalka Soomaaliya, waxaana hadda la sheegayaa in tagaeero xooggan ay heshay dowladda.

Dalka Finland waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo tegay markii ay Soomaaliya ka dilaaceen dagaalkii sokeeye 22-kii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Helsinki

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News