26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Ammaanka PUNTLAND oo si aad ah loo adkeeyay “Maxaa soo kordhay?”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya deegannada Puntland ayaa sheegaya, in la adkeeyay ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyadoo loo diyaar garoobayo doorashooyinka maamulkaas oo dhawaan laqaban doono.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka lagu amray in ay digtoonaadaan oo ay taxaddar muujiyaan si loo khalkhal garin doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Wuxuu kaloo sheegay Faroole in ay ku kal soon yihiin in ay si nabad galyo leh ay ku dhacdo doorashadda soo socota oo ka duwan kuwii kal hore ka dhacay deegannada Puntland.

Ciidamada ammaanka ayaa baaraya gawaarida iyo dadka la socda, waxaana bar control kasta la dhigay ciidamo badan kuwaasoo heegan ku jirra.

Doorashada Puntaland waxaa ilaa hadda isku soo taagay 11- musharrax oo uu ku jirro Faroole oo sannad kale ku darsaday xilligii loogi talagay in uu joogo xafiiska.

Dad badan oo odorosa arrimaha Puntland waxa ay lee yihiin doorashadan waa ay ka duwan tahay kuwii hore, waayo dad culus ayaa ku jirra oo uu ka mid yahay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News