Muqdisho (Caasimada Online) Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay qoddobada ka soo baxay shirkii Jubbooyinka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya Maxamed Salaax Annadiif, ayaa war-qoraal ah oo uu saaray wuxuu ku sheegay in shirkaas uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday isla markaana wax badan ka tari doona arrimaha Jubbooyinka.
Danjire Annadiif ayaa tilmaamay in ay si weyn ula dhaceen qaabka ay u wada hadleen dhammaan dhinacyada ka qaybgalay shirka, wuxuuna kula dardaarmay in ay ka dhabeeyaan hirgalinta qoddobada ka soo baxay shirka.
Wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu mar walba uu taageersan yahay wax kasta oo nabad lagu raadinaayo isla markaana lagu dhexdhexaadinaayo dhinacyada is-haya.
Hadalka Annadiif ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan weli beelo iyo dad saluugsan qaabka loo qabtay shirka arrimaha Jubbooyinka oo wajiga koobaad uu ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana dhimman wajiga labaad oo lagu wado in uu ka dhaco Kismaayo.
Ugu dambeen wuxuu ammaanay dowladdaha Soomaaliya iyo Ethiopia kuwaasoo dedaal ballaaran galiyay qabsoomida shirka arrimaha Jubbooyinka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho