Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah ka hadlay sababta uu ku baaqday shir ay la lahayd dowladda fedaraalka Soomaaliya kaasoo shaley ka dhici lahaa dalka Turkiga.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa u sheegay VOA-da in shirka uu baaqday kaddib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay ku mashquulsan tahay shirar looga hadlaayo arrimaha maamul u sameenta.
“Shirka waxaa lagu waday in uu furmo shaley, balse waxaa xiriir nala soo sameeyay danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho, wuxuu noo sheegay in dowladda ay codsaday in dib loogu dhigo shirka, wuxuu na weydiiyay goorma ayaad jeceshihiin in shirkaas uu dhaco, waxaan u sheegnay toddobaadka koobaad ee bisha December ee sannadkan” ayuu yiri Wasiirka.
Mar wax laga weydiiyay arrinta hawada Soomaaliya oo lagu soo wareejiyay dowladda Soomaaliya, wuxuu sheegay in arrintaas ay xiriir la sameeyeen wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana guddi farsamo loo saari doono kuwaasoo ay kala hadli doonaan Qaramada Midoobay.
Dhinaca kale, waxaa maanta gaaray magaalada Hargeysa Wafdi ay hoggaamineyso madaxa la dagaalanka burcad-badeeda caalamka Donny Hob.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Cali Maxamed Waran Cadde oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in wafdigan ay kormeereen marsada Berbera.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay isla garteen siddii loo dhisi lahaa ciidamadda badda Maamulka Somaliland.
Wafdiga ay hoggamineyso Danny Hob ayaa booqan doona mashaariicda Midowga Yurub uu ka hirgaliyay Somaliland oo ay ka mid yihiin xabsiyo oo loogu talagalay in lagu dhaqan celiyo burcad-badeeda Soomaalida.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hargeysa