26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Maxaa ka cusub dagaalkii Cadaado?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in magaalada lagu soo rogay bandow kaddib markii maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Ximin iyo Xeeb iyo maleeshiyo beeleed is baheestay.

Wariye ku sugan Cadaado oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada caawa lagu soo daadiyay ciidamo badan kuwaasoo hegan ku jirra.

Arrintan ayaa ka dambeesay markii shan qof ay ku dhaawacmeen iska hor imaad maanta magaalada ku dhexmaray ciidamada maamulka Ximin iyo Xeeb iyo maleeshiyo deeganka ah.

Ilaa hadda waxaan ka hadlin wixii ka dhacay maanta Cadaado maamulka Ximin iyo Xeeb.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News