28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Soomaaliya oo looga shiray KUWAIT

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kuwait (Caasimada Online) Magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait waxaa maalinta berri ah ka furmaya shirweyne muhiim ah oo looga hadlaayo Arrimaha Soomaaliya.

Shirkan waxaa si gaar ah looga hadlayaa siddii ay u wadaagi lahaayeen Afrika iyo Carabta iskaashi la xiriira xagga maalgashigga.

Soomaaliya waxaa shirkan uga qaybgalaya wafdi ay hoggaamineyso Raysal Wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan kuwaasoo caawa gaaray caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait.

Wariye ka tirsan Raadiyaha Talafishanka dowladda oo ku sugan Kuwait ayaa sheegay in Fowsiya la filaayo inay shirka ku soo bandhigto fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena warbixin ka siin doonta ka qaybgaleyaasha isbeddelka ka jira dalka.

Inta ay joogto Kuwait, waxay wasiirka la kulmi doontaa dhiggeeda dalalka Carabta iyo kuwa Afrikaanka ah ee shirka ka qaybgalaya.

Shirka ayaa hordhac u ah shir madaxeed ay 19-ka ilaa 20-ka bishan Kuwait ay ku yeelanayaan Madaxda Carabta iyo kuwa Afrika oo isna maalgashiga looga hadlayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News