Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubba ee horey u ahaa Jubaland, ayaa la saftay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ku baaqay in ra’iisul wasaare Saacid uu is-casilo.
Macallin Maxamed Ibraahim, oo ka mid ah aas aasayaasha maamulkaasi, islamarkaana si aad ah ugu dhow Axmed Madoobe, ayaa sheegay in madaxweynaha uu saxan yahay, uuna yahay qofka mas’uulka ah dalka.
“Waxaan qabaa in khilaafka uusan dan ahayn, laakiin madaxweynaha waxa uu xaq u lee yahay in qofka uu dareemo inuusan kasoo baxeyn shaqadiisa, uu meesha ka saaro” ayuu yiri Macallin Maxamed Ibaarhim.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey Saacid in intii uu xilka hayay inuu wax ku dheelo mooyaan’e uusan weligiis wax hagaajin, sida uu hadalka u dhigay.
Arrintan ayaa la rumeysan yahay in xiriir la leedahay murankii horey u dhex maray labada dhinaca ee la xiriiray Jubaland.
Halkan hoose ka dhageyso Macallin Maxamed
Maamulka Juba State -Waa In Saacid Meesha laga Saaraa-[www_flvto_com]
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]