25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

DEG DEG AH: DAGAAL ka dhex qarxay beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka socdo deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, halkaasoo shaley ay ku dagaalameen ciidamo kawada tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Inkasta oo ciidankan ay ku dagaalamayaan magaca dowladda, haddana waxa ay kasoo kaal jeedaan beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal, oo horey gobolka ugu dagaalamay, waxaana la rumeysan yahay in dagaalka uu la xiriiro dagaaladii hore.

Dadka deeganka oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in la maqlay madaafiic xooggan oo ku soo dhacaya deeganka, waxaana la maqlayaa rasaas xooggan.

Inta la ogyahay in ka badan 11-qof ayaa ku dhintay dagaalki shaleys, oo u dhaxeeya ciidamo wata magaca dowladda Somalia, balse ka soo kala jeeda beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal.

Ma jirto cid kala qaaday ciidamada ku dagaalamay Lambar 50 waxaana mar kasta la filan karaa dagaal sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Eed loo jeediyay Gen Goobaale.

Dhinaca kale, guddoomiyaha deeganka Lafoole oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Deeganka Lambar 50 ay ku lug lahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada oo uu ka mid yahay Gen Goobaale.

Wuxuu sheegay ciidamada soo weerarray deeganka ay ka geesteen tacadiyo xooggan Lambar 50 wuxuu sheegay in dad rayid ah la laayay hanti kalena la bililaqaystay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News