26.5 C
Mogadishu
Saturday, July 19, 2025

Dhageyso: Puntland oo sabab yaab leh ku sheegtay khilaafka Xasan & Saacid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee dowlada Somalia  inay hareer mareen nidaamkii dowladnimo ee dalka sidaasina uu ku yimid khilaafka iminka ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Somalia.

Wasiiru dowlada dekedaha Puntland , C/shakuur Mire Aadan, ayaa sheegay in waxa iminka keenaya khilaafka uu yahay sharcigii dalka u degsanaa oo ay hareer mareen madaxda ugu sareysa dalka .

” Hal xaaraan ah Nirig xalaal ah ma dhasho waynu wada  garaneynaa halka ay wax ka jiraan dhamaan teen iyo in dowladnimadii iyo nidaamkii u degsanaa dalka inay hareer mareen madaxda iminka jirta ” ayuu yiri C/shakuur Mire Aadan

Dowlada Somalia ayuu sheegay in mudadii ay jirtay ay ku guul dareysatay wax ka qabashada arimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo amniga dalka waxaana uu sheegay in wax waliba ay sal dhig u yihiin u hogaansamid la’aanta dastuurka dalka .

Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu joojiyay wada shaqeyntii kala dhexeysay dalka inta xilka uu hayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowlada Somalia inay badashay dastuurka Somalia sidaasi darteedna ay ku tumatay nidaamkii u degsanaa dowladnimada Somalia .

Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inaysna jirin qodobo dastuuri ah oo badal lagu sameeyay .

Hadalkan kasoo yeeray Maamulka Puntland ee ah in khilaafka madaxda sare ee dalka uu salka ku hayo wax ka badal lagu sameeyay qodobo dastuuri ah wuxuu imaanayaa xilli khilaaf uu ka dhex aloolsan yahay madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Saacid.

Halkaan Hoose ka dhageyso C/Shakuur Mire Aadan

Wasiir Dowlaha Takedaha Puntland Cshakuur Mire Aadan sax

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News