Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxman Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in wali ay taagaan tahay dhibaatada duufaantii ku dhifatay qeybo ka mid ah deegaamada Maamulka Puntland.
Wuxuu sheegay in mar ay tageen goobihii ay dhibaatadu ka dhacday inay kusoo arkeen dhibaato aad ay uga naxeen isla markaana u baahan in wax laga qabto isagoo sheegay in seddex cadow ay isku biirsaden dadkii bad baaday.
” Seddex cadow ayaa isku biirsaday dadkii ka bad baaday dhibaatada Midda koowaad waa qaboow aad u daran mana heystaan meel ay kaga gambadaan ama Bustooyin ay ka galaan , Mida labaad waa Gaajo gar garaar deg deg ah ayay u baahan yihiin Mida seddexaadna waa haraad iyo hali s caafimaad ” ayuu yiri Faroole
Faroole ayaa sheegay in dadku ay halis ay ugu jiraan inay ka dilaacaan goobaha ay iminka soo maciin bideen cuduro , maadaama sida uu sheegay halkaasi ay ku dayacan yihiin .
Wuxuu shegay in gar gaarkii ugu horeeyay ee dadkaasi la gaarsiiyay inay ka heleen qaar ka kamid ah dadka deegaanada Maamulka Puntland oo deeqo kala duwan iska aruuriyay hey’ada laan qeeerta cas iyo dowlada oo daawooyin gaarsiisya sida uu sheegay .
wali waxaa jira dhibaatadii dadkii ay saameynta xoogani ku yeesheen roobababkii duufaanada watay ee ka da’ay qeyo ka mid ah Puntland kaas oo dad badan hanti wixii ay lahaayeen ay biyaha maasheeyeen.
Halkaan Hoose ka dhageyso C/raxmaan Faroole
Caasimada online
Xafiiska Garoowe