25.4 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Wasiiro iyo mas’uuliyiin gaaray N0 50

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ay gaareen goordhow deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabellaha Hoose.

Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha waxaa ka mid ah wasiirka gaashandhigga, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo odayaal ka soo jeeda labo ciidan oo dhawaan ku dagaalamay halkaas.

Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha waxaa halkaas kulamo hadda kula lee yihiin wax garad iyo guddoomiyaha deeganka Lamabar 50 Cabdulaahi Waafow sida ay soo sheegeen wariyaasha ku sugan halkaas.

Toddobaadkan ayaa waxaa deeganka Lamabar 50 ku dagaalamay ciidamo daacad u ah dowladda kuwaasoo kuwaasoo ka soo kala jeeda Beelaha Habar gidir iyo Biimaal.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay dagaalkaas tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay guddoomiyaha deeganka Lambar 50.

Wafdigan shaley ayaa lagu waday in ay gaaraan deegankaas balse waxaa goor dambe la sheegay in dib loo dhigay mana cadda wax yaabaha keenay in ay dib u dhacaan.

Faah-faahinta kala soco Shabakadda Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News