Muqdisho (Caasimada online) Wasiirada difaaca ee midowga Yurub ayaa maalintii shalay kulan ka sheegay arimaha amaanka ee howlgalada midowga Yurub uu ka sameynayo dalalka Mali iyo Soomaaliya.
General Patrick De Rousiers, oo ah gudoomiyaha gudiga Meletariga ee midowga Yurub ayaa ka sheegay shir jaraa’id uu qabtay in diirada lagu saaray kulankaasi arimaha amaanka ee howlgalada ay ka wadaan dalalka Soomaaliya iyo Mali.
Wuxuu sheegay in howlgalka loogu magac daray EUTM ee ka socda Mali iyo howlgalka ATALANTA ee ka socda Soomaaliya labada ay iminka ku socdaan wado wanaagsan sida uu hadalka u dhigay.
“Xaqiiqdii waxa diirada la saaray labada howlgalka ee Mali iyo Soomaaliya maxaa yeelay labada iminka waxay ku socdaan qaab hagaasan waana in dib loo eegaa ma aysan jirin go’aan siyaasadeed oo lagu balaarinayo howlgalada laakiin wasiirada ayaa ka doodayay”ayuu yiri gudoomiyaha gudiga meletariga ee midowga Yurub.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha la isku soo hadal qaaday ay kamid ahaayeen in dunida ay taageerto fikrada ku aadan balaarinta iyo xiliga lagada howlgalka oo lagu balan sanaa muddo labo sano ah.
Howlgalka Mali ee Midowga Yurub ayaa bilowday bishii February ee sanadkaan 2013, iyadoo howlgalka dhanka badda ee ciidamada Atalanta ee Soomaaliya uu bilowday Dhamaadkii 2008 iyadoo ujeedada ay aheyd adkeynta amaanka xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan si looga hortago afduubyada kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho