Gaalkacyo (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee magaalada Gaalkacyo, waxaa magaalada ay maalmahan dambe noqotay mid martigalisa musharrixiinta u taagan xilka madaxweynimada ee maamulka Puntland.
Wariyaha ayaa sheegay in magaalada ay soo camirantay, waxaana maalin kasta yimaada musharrax cusub oo leh waxaan ka mid ah ragga u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland oo dhaceysa doorashadeeda 8-da bisha Janaayo ee sannadkan dambe 2014-ka.
Musharrixii ugu dambeeyay ee gaaray Gaalkacyo wuxuu ahaa Cabdiwali Maxamuud (Guray), wuxuu sheegay haddii uu ku guuleesto doorashadda Puntland in uu wax ka bedeli doono Puntland.
Dadka odorosa arrimaah siyaasadda Puntland waxa ay lee yihiin, doorashadda soo socota wax badan ayaa iska bedeli doontaa doorashooyinka hore, waxaana laga yabaa in ay waji cusub galiso Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Gaalkacyo