26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Cudur aan la garaneyn oo saf mareen ah oo dad badan ku leynaya Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya Gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dilaacay cudur aan lagaraneynin, kaasoo dad badan ku laayay tuulooyin ku yaalla gobalka Hiiraan.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in 40-qof ay ku dhinteen deegannada Ceel-Cali, Ceeldheer iyo deeganno kale.

Wuxuu sheegay in cudurkan uu yahay mid dad badan ku laayay deegannadaas uu ka dilaacay islamaaka lagaran waayay wuxuu yahay

“Cudurkan waa mid saf mareen ah, wuxuu laayay dad badan oo ku nool deegannada Ceel-Cali, Ceeldheer iyo miyiga fogfog ee Bakool, wuxuu dilay ilaa afartameeyo” ayuu yiri Xildhibaankan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeykan Xildhibaan Goodir ayaa ugu baaqay dowladda iyo hey’adda caafimaadka in ay degdeg u tagaan deegannada uu cudurkan ka dilaacay, haddii kale wuxuu yiri musiibo xooggan ayaa halkaas ka dhici doonta, cudurkana wuu faafi doonaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News