26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

SARKAAL lagu weeraray gurigiisa oo xaalad kale gelisay Kismaayo xalay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose, waxaa habeenkii xaley ka dhacay howgalo dad badan lagu soo qabqabtay.

Howlgaladan ayaa ka dambeeyay markii bam gacmeed lagu tuuray gurru  uu daggannaa sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka Jubba kaasoo ku yaalla xaafadda Farjanno.

Sarkaalka la weerarray ayaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamed Qaarib, balse wax khasaaro ah kama soo gaarin qaraxa

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in dad badan ay soo qabqabteen kuwaasoo lagu tuhmaayo qarxa.

Ma ahan weerarkii ugu horreeyay oo kooxo hubeysan ay ku qaadaan sarkaal ka tiran Maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Xaaladda magaalada ayaa saakay deggan, waxaana caadi ah isku socodka dadka iyo gaadidka, sidoo kale waxaa furay goobaha ganacsiga iyo waxbarashada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Maxamed Sugow

 

- Advertisement -

Read more

Local News