Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha maxakamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuure ayaa amar ku bixiyay in loo wareejiyo xabsiga dhexe Milkiilaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud iyo Wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo wareystay gabar suxufiyad ah oo sheegtay in la kufsaday.
Seddaxdan qof ayaa ku jiray xarunta dambi baarista ee CID-da waxaana maanta la soo taagay maxkamad, si rasmi ah looma furin dacwadooda.
Go’aankan ayaa soo baxay, markii maxkamadda gobalka Banaadir maanta la horkeenay seddaxdan qof, waxaana su’aalo la weydiiyay wariyaha Wareystay gabadha sheegtay in la kufsaday.
Wariye Maxamed Bashiir oo wareysiga ka qaaday gabadha sheegtay in la kufsaday ayaa maxkamadda ay weydiisay in caddeymo muujinaya in gabadhan ay ku fasadeen shaqaale ka tirsan Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho.
Wariyaha ayaa sheegay in uusan heynin wax caddeemo sidaas darteedana waxa ay maxkamadda codsaday in wariyaha, gabadha iyo mulkiilaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalik Yuusuf loo wareejiyo xabsiga dhexe.
Maxkamadda waxaa kaloo joogay wariyaasha lagu eedeeyay in ay kufasadeen gabadha wariyaha oo lagu magacaabo Faadumo Abuur oo ah 19-jir.
Maxkamadda kama hadlin sababta keentay in seddaxda qof kaliye loo gudbiyo maxkamadda lana sii daayo labadii wariye ee la soo eedeeyay kuwaasoo kala ah, Cabdicasiis Afrika iyo JIbriil.
Guddiga u doodda difaaca suxufiyiinta caalamiga CPJ ayaa toddobaadkii horre ku baaqay in la sii daayo wariyaasha iyo gabadha dhibanaha.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

