Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku ammaanay sida uu u maareeyay codayntii uu kalsoonida ku waayay ra’iisul wasaaraha xafiiska ka tagaya, Cabdi Faarax Shirdoon.
Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay caqabad siyaasadeed, wuxuuna tilmaamay in baarlamaanka iyo hoggaanka federal-ka ay muujiyeen mas’uuliyad, intii ay socotay codayntu.
Ra’iisul wasaaraha xafiiska ka tagaya, Cabdi Faarax Shirdoon ayuu ku bogaadiyay doorkiisa hoggaan iyo waxqabadka uu la yimid mudadii uu xafiiska joogay,isagoo sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay muujiyeen in dantooda ay ka horumarinayaan danta qaranka.
Michele Cervone ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay inuu sii wado taageerada uu siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliya,isagoo ka dalbaday madaxweynaha soomaaliya inuu deg deg u soo magacaabo ra,iisulwasaare khibrad u leh fulinta howlagha aadka u badan ee horyaalla xukuumaddu.
Sidoo kale, waxaa horey tallaabada baarlamanka usoo dhoweeyay, islamarkaana u amaanay wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay.
Kay ayaa yiri: “Waxaa muhim ahayd in hawshan baarlamaaniga ah ee aan hore loo arag loo maareeyey si waafaqsan dastuurka KMG ah iyo nidaamka iyo xeer-hoosaadka u degsan baarlamaanka”.
Si kastaba, hadalladooda ayaa abuuraya shaki ku saaban haddii xil ka qaadista ra’iisul wasaare Saacid ay beesha caalamka wax ka ogeyd.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho