Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay warbixin ay shalay soo saartay hay’adda Watchdog Transparency International, taasoo lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta hore kaga jirto dalalka caalamka ee uu musuq-maasuqu dilooday.
Wasiir ku xigeenka maaliyadda Soomaaliya Axmed Xasan Aadan oo wareysi siinayay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in warbixintu ay tahay mid aan ku saleysnayn xaqiiqada ku aaddan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.
“Waxaan ka xumahay warbixintan, waxaana loo baahan yahay marka musuq-maasuq la sheegayo in loo hayo caddeyn dhab ah wax la lunsaday, waayo musuq-maasuqu wuxuu saameeyaan horumarka iyo bulshada dalka uu ka jiro” ayuu yiri wasiir ku xigeenku, sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in waxa la lunsaday ay tahay in la caddeeyo, ma hati shacabka Soomaaliyeed la siiyay oo la lunsaday baa, mise waa hanti caalamku siiyay dowladda Somalia oo si xun loo maamulay.
“Hantida nalagu eedeynayo ee shacabka Soomaaliyeed maalin walba lagu jah-wareejinayo yay tahay cidda na siisay” ayuu wasiir ku xigeenku ku yiri wargeysigiisa, isagoo intaas ku daray inaysan jirin lacago la siiyay Soomaaliya, waana loo diidan yahay in Soomaaliya ay si xor ah dhaqaalaheeda u maareyso.
Wasiir ku xigeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya lacag siiyay uu hadda is-caddeeyo uuna sheego qadarka ay dhameyd iyo xilliga la siiyay, dowladduna waxay diyaar u tahay inay la doodaan qolyaha warkaasi qoray , balse warbixin la iska qoray waa mid aan jirin oo been ah, su’aal ahayd in warbixintan lagu saleeyay is-casilaaddii guddoomiyihii hore ee Bankiga dhexe Yusur Abraar ay tahay ayaa sheegay inuusan isagu u war-hayn sababta ay isku casishay Yusur, balse loo baahan yahay in caddeeyo haddii ay jiraan lacago la musuqmaasuqay oo Soomaaliya la siiyay.
Dhanka kale, wuxuu sheegay inay jiraan dalal badan oo caalamka oo sheega in lacago ay ugu deeqeen Soomaaliya, balse aysan bixin, waxaana mar kale caddeynayaa inaysan jirin lacago Soomaaliya la siiyay ayuu yiri wasiirku.
“Waxaan doonayaa inaan caalamka u caddeeyo in Soomaaliya loogu deeqay lacago malaayiin doollar ah, balse aysan jirin hal shilin oo ka mid ah oo weli Soomaaliya la siiyay,” ayuu wasiirku wareysigiisa kusoo gaba-gabeeyay, hadalka wasiirka ayaa wuxuu jawaab u ahaa warbixin ay hay’adda Watchdog Transparency International ku sheegtay in dalalka Soomaaliya, Afgaanistaan iyo Waqooyiga Kuuriya ay kaalinta hore kaga jiraan dalalka caalamka ee uu sida aadka ah uga jiro musuqmaasuqa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho