Madaxa Xeer-ilaalinta ee Maxkmadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) Fatou Bensouda ayaa ku eedaysay xukuumadda Kenya in ay ku fashilantay soo wareejinta xog ay sheegtay in ay “muhiim u tahay qaddiyado xasaasi ah “oo la xiriira maxkamadda dambiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee loo haysto Madaxweyne Uhuru Kenyatta, sidaana waxa Isniintii (2-dii December) sheegay AFP.
“Xafiiska Xeer-ilaalintu waxa ay ka dalbaysaa maxkamadda in ay soo ogaato in xukuumadda Kenya ku fashilantay in ay ka soo dhalaasho codsigii April 2012-kii ee ahaa in ay soo gudbiso xogo maaliyadeed iyo kuwo kale oo khuseeya eedeeysanaha,” ayay Bensouda ku tiri dacwo ay u gudbisay maxkamadda. “Dhammaan iskudayadeedii hore ee ahaa in ay hesho xogahaas waa ay suuragali waayeen.”
Maxkamadda Kenyatta ayaa loo muddeeyay in ay bilaabato 5-ta February.
Bensouda waxay sheegtay in xeer-ilaaliyayaashu rumaysan yihiin in dokumentiyadaasi “laga yaabo in ay wax ka iftiimiyaan heerka uu gaarsiisan yahay waxyaabihii uu sameeyay eedaysanuhu, sida eedeeymaha ku saabsan in uu maal-galiyay dambiyada isaga lagu haysto”.
Waxa ay waydiisatay garsoorayaasha in ay hadda u gudbiyaan arrinka guddiga ilaalinta sharciyada ee maxkamadda, taas oo ah Golaha Guud ee Saxiixayaasha (ASP).
Tallaabadan ayaa ah tii ugu dambaysay xarig-jiid sharciyeed oo u dhexeeya ICC iyo Kenya, oo doonaysa in ximaayad ka hortagta maxkamadeeynta loo sameeyo madaxda xilka haya ee dawladaha asaasayaasha Axdiga Rome.
ASP-daayaa baddalay xeerarkii maxkamadda toddobaadkii hore si loogu oggolaado eedeeysanayaasha in ay codsadaan in ay ku soo xaadiraan khadka fiidiyoowga.