Muqdisho (Caasimada Online) Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid Shirdoon ayaa soo diray fariin uu uga hadlaayo xaaladda dalka Soomaaliya.
Mudane Saacid ayaa sidoo kale ka mahadceliyay fariimo badan oo ka soo gaaray shacabka tan iyo markii uu waayay kalsoonida baarlamaanka iyo sida uu u oggolaaday go’aanka baarlamaanka.
Raysal waasaraha xilka ka tagaya ayaa muujiyay fariimaha loo soo diraayo in ay muujinayaan sida ay shacabka uga walwalsan yihiin mustaqbalka iyo sida uu noqon doono.
Fariinta oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri: “Waxaan helayaa fariimo aad u tiro badan oo iiga imaanaya shacabka Soomaaliyeed. Fariimuhu waxa ay ximbaarsanyihiin niyad wanaag ay ii muujinayaan dad keeyga iyo cabsi ay ka qabaan halka uu ku dambeyn doono xaalka dalka. Anigoo ay suurogal ii aheen in aan mid mid idinkaga soo jawaabo fariimahiina oo runti aad iyo aad u farabadan, waxaan jecelahay in aan si guud idin kugu mahad celiyo marka hore. Mar labaad waxaan idiin sheegayaa in aad is dajisaan oo aydan niyad jabin. Wax walba qeer bay ku dhamaan doonaan, Somalia na dib uma laaban doonto Inshallah.” ayuu yiri raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Shirdon, ayaa xafiiska joogay wax ka yer 14-bilood, waxaana magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Mohamud bishii October 2012, markii bil uun Xasan Maxamuud doorteen baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho