25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Warbixin: Qarax ka dhacay Muqdisho oo uu ku dhintay Xildhibaan BF ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa qarax maanta duhurkii ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalua.

Qaraxa oo uu ku geeriyooda allaha ha u naxariisto xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, ayaa waxaa loo galiyay baabuur uu watay,kaasoo yaalaya meeli ku dhow gurigga rasyal wasaaraha oo ku yaalla Villa Somalia.

Sarkaal sarre oo ka tirsan dowladda ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Caasimada Online, in xildhibaanka ku dhintay qaraxa lagu magacaabi jiray Feysal Maxamed Warsame.

Marxuumka ayaa ahaa guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshadda ee baarlamaanka, waxaana uu ka mid ahaa xildhibaannada cusub.

Qaraxa kaddib waxaa goobta isku gadaamay ciidamada qaaska ah ee madaxweynaha, waxaana la qabqatay askar iyo dad goobta ka agdhawaa.

Waxaa kaloo jirra warar sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacantaya haweeney horrey u ahaan jirtay xildhibaannad oo lagu magacaabo Amiino,.

Dhaawaca xildhibaan Feysal ayaa loo qaaday Isbitaalka Madiino halkaasoo uu ku dhintay dhowr daqiiqo ka hor.

Ma ahan xildhibaankii ugu horeeyay ee Muqdisho lagu dilo, bishii September ee sanadkan ayaa magaalada degmada Wadajir waxaa lagu dilay xildhibaan Xuseen Cabdisalaam oo xubin ka ahaa baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga tacsiyeeyay guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaannada geerida xildhibaan Feysal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News